Ruushka oo sheegtay inay dileen hogaamiyaha Daacish

482

ru_svr

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in ay ka shakisan tahay in ciidamadeeda ay weeraro duqeyn ah oo ay ka geysteen duleedka xarunta ururka IS ee Raqqa  ku dileen hogaamiyaha ururka IS Abu Bakr al-Baghdadi

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in baaritaan ku heysto xog sheegeysa in hogaamiyaha Daacish Abuubakar Al-baqdaadi  lagu dilay duqeyn bishii hore ka dhacday dalka Suuriya.

“May 28, kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo isticmaalay in lagu ogaado akhbaar sax ah ee ah goobta iyo waqtiga uu dhacayo kulan uu ka soo qeybgalayo  hogaamiye Al-Baqdadi, ayay diyaaradaha Ruushka duqeeyeen halka uu kulanku ka socday,”ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaarada gaashaandhiga Ruushka.

Hogaamiyaha ururka Daacish ayaa dhowr jeer oo hore  waxaa soo baxayay warar sheegaya  in lagu diley duqeyn ama la dhaawacay tan iyo markii uu ku dhowaaqay sanadkii 2014 ayadoo wararkaasina ay noqdeen kuwo beenoobay.

Haddii ay warbixintan noqoto run ayaa waxay ka dhigan tahay dharbaaxo culus oo soo gaartay  ururka Daacish, oo haatan isku dayaya inuu daafaco deegaanadii uu ka talinayo iyadoo laga soo saaray inta badan dalka Ciraaq iyo deegaano badan oo ka mid ah dalka Siiriya..

Caasimadda kooxda Daacish, ama dowladda Khilaafada Islaamka ee Raqa ayaa wajahayso dulaan dhul iyo cirba leh oo ay Ku qaadeen maleeshiyaad Carab iyo Kurdi ah ayadoo duulaankaasina uu majaraha u hayo Maraykanka iyo xulafadiisa kaasi oo ka kooban in ka badan 30 dowladood.

Sidoo kale waxaa duulaan lagu hayaa magaalada labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq ee Musil, taasi oo ay ka taliyaan kooxda Daacish.

Saraakiil  u hadashay ciidamada Maraykanka aya  sheegay inaysan hayn macluumad  xaqiijinaya sheegashada ciidamada Ruushka ee ah dilka hogaamiyaha dowladda la baxday Khilaafada Islaamka ee Daesh taasi oo ka talisa dhul wayn oo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq sidoo kalena laamo Ku leh dalalka Afghanistan, Nigeria, Soomaaliya Philippines iyo kuwo kale