Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Ku Baaqay In Waqti Kooban Lagu Dhameeyo Shirka Dhuusamareeb

Ra’iisulwaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa ka dalbay Cuqaasha shirka dib u heshiisiinta uu kaga socdo Magaalada Dhuusa-Mareeb, in ay ku soo dhameeyaan 25cisho oo hugaanka shirka ay ka dalbadeen Dowladda Soomalaiya.

Dhanka kale Ra;iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, ayaa ugu yeeray dhiinacyadii ku dagaalamay Guriceel, in ay muujyaan tanasulaat meeshana ay ka saarayaan doorka colaadda taasi oo keentay in Dad badan ay barakacaan xilligana ay yihiin kuwa banaanka jiifa.

Ra’iisulwasaare Cumar ayaa ugu dambayntii waxa uu Hay’adaha Samafalka ugu yeeray in ay gurmad la soo gaaraan Dadkii ka barakacay dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel,ra’iisulwasaare Cumar ayaa sheegay in Xukuumaddu aysan indhaha ka laabandoonin wasaaradda arimaha gduahana ay qaadi doonto tilaabda kaga aadan sidii Dadkaasi loo caawinlahaa.