RW Khayre oo Gaaray Baydhabo

111

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Amniga Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaraha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay kula hadlay dadwaynihii reer Baydhabo oo soo dhoweeyay.

Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaay ku sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo Mr Khayre oo ka furay shirka dib u heshiisiinta Galmudug.