RW Khayre oo u dhoofay Maraykanka

237
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, ayagoo kusii jeeda dalka Maraykanka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kusii sogootiyay xubno ka tirsan labada golle ee Soomaaliya.

Khayre iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa in Magaalada New York ee dalka Maraykanka ay kaga qayb galaan shirka guud ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaasi oo mid sanadkiiba hal mar la qabo, waxaana ka qayb-galaya hogaamiyasha Dunida.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in shirkaasi ka jeedo khudbad uu kaga hadlayo marxaladda siyaasadeed, dhaqaalle, Amni iyo mid guud.

Shirka guud ee QM ayaa waxaa arrimaha looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Qaxootiga Rohingya dagaalka ka socda Yemen, arrimaha Suuriya iyo qalalaasaha kale ee uu caalamka wajahayo haatan.