RW ku xigeenka Soomaaliya iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo logu doortay Muqdisho

209

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobollada Wqqooyi ayaa maanta ka billaabay Muqdisho.

Kursgii ugu horeeyay ee Beelaha gobolada Waqooyi  waxaa ku guuleystay Ra’iisulwasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Cumar Carte, oo helay codad gaaray 47 cod, halka Axmed Ismaaciil Xuseen oo la tartamayay uu helay 4 cod.

Doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland ayaa lagu waddaa in ay sii socota maalmaha Soo socda tan iyo inta laga dhameystirayo xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.

Dhanka kale

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle, ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

C/raxmaan Beyle, oo la Tartamayay C/llaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay 48-cod, halka Abiib, uu helay laba cod oo keliya, iyadoo codna uu xumaaday, sida ay ku dhawaaqeen guddiga Doorahada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Sannadkaan oo Goob-joog ka ahaa Doorashada ayaa ku dhawaaqay Natiijada, isagoo caddeeyay in C/raxmaan Beyle uu ku soo baxay kursiga Aqalka Hoose ee Waqooyiga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Beyle, ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaddii uu horkacayay C/wali Sheekh Axmed, wuxuuna Dhawaanahaan ahaa Madaxa Mashaariicda ee Bankiga Horumarinta Afrika ee Xaruntiisa tahay dalka Ivory Coast.