RW ku xigeenka Soomaaliya oo Naadiga Dekadda gudoonsiiyay Koobka horyaalka Soomaaliya

174
Waxaa galabta garoonka Banaadir ka dhacay kullankii ugu dambeeyay ee horyaalka Soomaaliya, waxanna wadda qaatay kooxda xaqiijisay ku guulleysiga horyaalka Soomaaliya ee Dekadda iyo dhiggeeda Waxool.

Ciyaarta ayaa waqyigii loogu talagalay waxa ay ku dhammaatay 2-0 oo ay ku badisay Dekadda, waxanna labbadda gool u dhalliyay Cabbaas Amiin iyo Sakariye Towfiiq.

Kullanka waxaa daawaday oo garoonka joogay masuuliyiinta shirkadda Albayrak oo iyadu maalgeliso naadiga Dekadda, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab, wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka wasaarrada Dekaddaha Maryan Aweys Jaamac iyo ra’iisulwasaarre ku xiggeenka Soomaaliya.

Mahdi Maxamed Guulleed, ra’iisulwasaarre ku xigeenka Soomaaliya ayaa guddoonsiiyay kooxda guulleysatay koobka horyaalka Soomaaliya.