RW ku xigeenka Soomaaliya OO shir gudoomiyay shir looga hadlayay doorashada iyo amniga

307

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa shir-gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxweynaha  Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Cadaaladda iyo Amniga, Ku-Xigeenka Ergeyga gaarga ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

 Maxamed Cumar Carte ayaa ciidamada qalabka sida iyo AMISOM kala hadlay in ay xoojiyaan wada shaqeeynta ka dhaxeysa iyo is dhaafsiga macluumaadka.

Wada shaqeynta idinka dhaxeysa waa mida suurtagal ka dhigtay in si nabdoon ay u dhacaan doorashooyinkii labada aqal, sidaa awgeed, waxa aan idinku dhiiragelinayaa in aad isla wadaagtaan xogaha amniga si loogu guuleysto sugida amniga doorashada Madaxweynaha”. ayuu yiri Carte.

unnamedunnamed.jpg9_