Rw oo codsaday in hogaanka dalka is-badel lagu sameeyo

216

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay haboontahay in hogaanka dalka isbadel uu ku dhaco.

Doorashada madaxwaynaha ayaa la filayaa inay dhacdo intan uusan bilaaban sanadka 2017 ka.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke waxaa uu ka mid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Shalay ayuu magaalada kismaayo kula kulmay xubnaha la doortay ee Jubaland u matali doona baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu u sheegay xildhibaanadaasi inay tahay inay ku dadaalaan sidii is-badel ugu imaan lahaa hogaanka sare ee dalka.

Cumar C/rashiid ayaa xubnahaasi ka codsaday inay codkooda isaga siiyaan.