RW oo maanta booqday goobaha lagu qaadayo imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka

253

khayre 2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah Dugsiyada ay ka socdaan Imtixaanka Shahaadiga ah oo guud ahaan maanta dalka oo dhan ka bilowday kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare  Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  Cabdiraxmaan Cusmaan Daahir ayaa ugu horeyn tagey Iskoolka 15 May oo kamid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka.

Wuxuu  Ra’iisul Wasaaruhu boggaadiyey sida habsamida ah ee u soconayo Imtixaanku, Iyadoo guud ahaan Imtixaankan ay geli doonaan 27,000 oo arday kuwaas oo ku kala sugan Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa uu sheegay in bulsho waliba oo gaartay horumar dhalinyaradeedu horseed u yihiin, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la horumariyo Waxbarashada dalka, si looga gudbo dib-u-dhaca iyo bur-burka ragaadiyey dhalinta Soomaaliyeed.

Ammaanka goobaha ay imtixaanadu ka dhacayaan ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo badan ay sugayeen ammaanka.

khayre 2 khayre 3 Khayre