R/Wasaaraha oo ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOMA OIL AND GAS

486
 xasan-cali-khayre

War qoraal ah uu soo saraay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Md. Xasan Cali Khayer oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Warbaahinta ayuu ku sheegey Ra’iisul-wasaaraha in uu ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOMA OIL AND GAS ee dalka Ingiriiska laga leeyahay.

Ra’iisul-wasaraaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkiisa ku faah-faahiyay ujeedada ka dambeysay go’aanka uu kaga tanaasulay Saamiyadiisa uu shirkadaasi ku lahaa taasi oo uu ku sheegey in ay tahay in uu doonayo in uu fursad uu siiyo Howlaha Qaranka ee horyaalla iyo gudashada waajibka Dastuuriga ah ee saaran.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo wuxuu ii magacaabay Ra’iisul wasaraaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana ka aqabalay magaabistayda,

Marka si aan u guto mas’uuliyadda isaaran islamarkaana uga fogaado waxkasta oo  isku dhac ah oo ka imaan kara mas’uuliyaddii aan ka hayay Shirkadaasi iyo Saamiyadii aan ku lahaa  si dhaqsi leh ayaan uga tanaasulayaa”, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo  intaasi ku daray in uu ugu talagalay in wax share ah ama Saami ah ku yeelana islamarkana uusan Dano shaqsiyadeed ka lahayd shirkadda Somalia iyo dhammaan shirkadaha kale ee xiriirka la leh.

  • warq-640x853warqadda-640x853