Saadaasha cidda ku guuleysaneysa Golaha shacabka

464

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa si gaara isha ugu haya kana dhur sugaya cidda ku guuleysan doontaa guddoominimada golaha shacabka, taas oo hadda heer gebagebo maraysa.Afar musharrax ayaa isu soo taagey tartanka guddoomiyaha golaha shacabka, kuwaas oo kala ah, Maxamed Cismaan Jawaari oo ah guddoomiyihii hore ee golaha, Cabdifitaax Geeseey oo ah wasiirkii amniga dowlad goboleedka koofur galbeed, Idris Takhtar iyo Cabdirashiid Xiddig oo ahaa xildhibaan golihii shacabka ee waqtigiisu dhamaaday islamarkaasna ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka waqtigeedu dhamaaday.

 
Seddexda musharrax ee hore waxay ka soo jeedaan dowlad gobaleedka koofur galbeed oo shariif Xasan ka yahay madaxweyne ( Digil iyo Mirifle) Islamarkaasina Shariifku waxa uu ka midyahay musharraxiinta u tartamaya Madaxweynaha Federaalka, sidaasi darted haddii nin Digil iyoMirifle ah ku guuleysto guddoomiyaha golaha shacabka, Shariif Xasan way ku adkaaneysaa xataa in uu musharraxnimadiisa sii wado. Waa isku dayey Shariifku in uu ka sii gaashaanto in aan musharrax Digil iyo Mirifle ahi isu taagin guddoomiyenimada Golaha Shacabka, laakiin waxaa muuqata in ay ku ballan fureen oo dhegaha ka fureysteen rabitaanka shariifka raga haatan u sharraxan guddoomiyenimada.

 
Si kastaba ha ahaatee waxaa la saadaalinayaa, xeeldheerayaasha siyaasadduna tilmaamayaan in Jawaari uu ku guuleysan doono guddoomiyaha Baarlamaanka, hasa-yeeshee, macadda wareegga uu guuleysanayo.

 

Cabdirashiid Xiddig oo ka soo jeeda Jubaland (Absame-Daarood) ayaa lagu wadaa in uu latartami doono jawaari, waxaana Xiddig si aada ugu ol olaynaya Shariif Xasan oo doonaya beelaha Digil iyo Mirifle in ay taariikh sameeyaan oo madaxweynenimo raadsadaan ama Raiisul wasaare isagoo rumeysan in uu isagu yahay ninka kaliya ee Digil iyo Mirifle ah oo u taagaan labadaas jago hadii qorshihiisu guuleysto.

 

Cabdirashiid Xiddig ayaa lahadal hayaa in ay adagtahay in uu beeshiisa Daarood uu ka helo codad uu ku guuleysan karo, maxaa yeelay uma qorsheysna beeshaas in ay qaadato jagada guddoomiyaha Baarlamaanka.
Haddii Cabdrashiid Xiddig helo codad ka yar 30 cod waxaa dharbaaxyo siyaasadeed ku noqoneysaa shariif Xasan , haddiise Xiddig guuleysto ama uu helo codad gaaraya 70 cod waxay Shariif Xasan u tahay Guul siyaasadeed sababto, ah waxaa Shariifku helayaa codad guul madaxweyne keeni kara, si kale haddii loo dhagana waxaa uu sababi karaa madaxweyne uu wax ku leeyahay in la doorto.
Waxaa arrintu kala caddaan doontaa sacadaha soo socda ee maanta oo ah  11 bishaan Janaayo 2017ka.