Sacuudiga iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 110 Bilyeen oo doolar

319

trump3

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir uu la yeelanayo Madaxda wadamada Islaamka.

Donald Trump ayaa booqasho rasmi uga bilaabatay dalka bariga dhexe, taasoo ah booqashadiisa u horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul asiis Aal Sacuud ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa, iyadoo sidoo kale ay wehliyeen gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay oo ah la taliyaha Madaxwaynaha  Maraykanka nabadaynta  Barriga Dhexe .

Madaxweynaha Mareykanka iyo Boqorka Sacuudiga ayaa  kala saxiixday Heshiis dhanka Difaaca ah kaasi oo ku kacaya adduun gaaraya 110 Bilyeen oo Doolar ka hor inta uusan  furmin shirka Maraykanka iyo wadamada Islaamka kaasi oo lagu wado inay ka qayb galaan in ka badan 40 Hogaamiye oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

 

Lugta labaad ee safarkiisa ayaa la filayaa in maalinta Isniinta uu ku tago dalka Israel, waxaana uu kaddib booqanayaa Xarunta Vatican ee magaalada Rome.

trump1 trump2 trump3 trump4