Sacuudiga oo Hoteelada ku ganaxaya 26,000$ haddii laga daawado Aljazeera

298

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa amaro kusoo rogtay Hoteelada iyo goobaha Dalxiisayaasha ay tagaan.

Amar kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa milkiilayaasha Hotelada iyo Goobaha dalxiisayaasha Ku war galisay in dhammaan TVga Aljazeera la mamnuucay daawashadiisa ismarkaana Hotelkii lagu arko ayadoo lagu daawanayo lagu ganaaxi doono lacag dhan 26,000$.

Arintan ayaa qayb ka ah qalalaasaha diblumaasiyadeed ee ka taagan dalalka gacanka Carbeed taasi oo u dhaxeeya Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxrayn, iyo dalka yar ee Qadar.

177e9355ec4d40859e4163b240e705d6_18