Labada Masuul ee ugu sareyso Soomaaliya oo Baarlamaanka wada tagay

203

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarw Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa waxaa ay si wada jir ah uga qeyb galeen kulan looga hadalayay Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda Dalka ayaa aad u amaaneen geesinamadi ay muujiyeen ciidamada dowladda kadib weerarki qaraara ay kooxda Alshabaab kusoo qaaday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya halkaas oo dagaal culus kadhacay.

Iyaga oo tacsi u direen dhammaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii ay ka baxeen askartii u geeriyootay difaaca xildhibaanada, sidooo kale waxaa ay caafimad buuxa u rajeeyen dhamaan askarti ku dhaawacmatay iyo xildhibaanadii.

Kulanka Madxada Soomaaliya ayaa waxaa kala qeyb galay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliy, Nicholas Kay, waxaa ayna si wada jir u booqdeen raadiyo Muqdisho, iyago halkaas qudbado ka jeediyay ku aadan wixii Dowladda u qabsoomay iyo wixii aan wali u qabsoomin. Sidoo kale, Masuuliyiinta ayaa waxaa ay xuseen in horumar balaaran laga gaaray xaalada Soomaaliya, balsa ay wax badan dhimanyihiin.

Ugu danbey, Masuuliyiinta ayaa waxaa hoosta ay ka xariiqeen in howlo badan la qabto si loo gaaro in ay dhacdo doorasho sax sanadka 2016da.

Www.xaqiiqa.com