Safiirka cusub ee UK, u qaabilsan Soomaaliya oo si rasmi ah Muqdisho uga shaqo bilaabay

254

XT) MUQDISHO, Soomaaliya, Jimco 13/01/2017

Safiirka cusub ee Dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya, ayaa si rasmi ah usoo gaaray magaalada Muqdisho, kaasi oo bilaabay howlihiisa Diblumaasiyadeed ee uu ka qabanayo wadanka Soomaaliya.

Safiirka oo magaciisa la yirahdo David Concar, ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo xilka kala wareegay safiirkii hore Harriet Matthew,oo loo wareejiyay sida dhowaan ay shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay  Dowladda Britain.

Safiirka ayaa inta uusan iman magalada Muqdidho, waxaa uu sheegay in wax badan qaban doono.

Halkan ka daawo Video safiirka uu soo duubay oo la soo dhigay barta Twitter-ka uu ku leeyahay howl-galka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya.

https://mobile.twitter.com/UKinSomalia/status/819496368653926400/video/1.

Waxaa uu sheegay inuu ka shaqayn doono sidii loo hormarin lahaa cilaaqaadka Soomaaliya, uu UK, isagoo dhanka kale soo hadal-qaaday heer-kuulka Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah Dowladaha reer Galbeed-ka ee taageera Dowladda fideralka Soomaaliya.