Safiirka Sweden u fadhiyay Soomaaliya oo la sagootiyay

356

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sagootiyay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall, oo shaqada ka sii tagaya, kaddib muddo 5 sano oo arrimaha Soomaaliya ka shaqeynayay.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare iyo Golaha shacabka.

Danjire Mikael Lindvall ayaa Madaxweynaha ka guddoomay hadiyado isugu jiray hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo agab kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Safiirka Sweden mudadii uu Soomaaliya joogay uu howl aad u baaxad leh qabtay, isla markaana Sweden ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya.

Dowladda Sweden ayaa danjire cusub oo bedelaya Mr.  Lindvall u soo magacawday Soomaaliya, kaasoo lagu wado inuu dhowaan soo gaaro Muqdisho, si uu waraaqihiisa aqoonsiga ugu wareejiyo Safiirka.

sagotis sagotis1 sagotis2 sagotis3 sagotis4 sagotis5