Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Booqday Jaamacadda Simad

203

Muqdisho (XT): Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mudane Olgan Baker ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta wayn ee Jaamacadda SIMAD.

Safiirka oo hadal u jeediyay qaar ka mid ah ardayda jaamacadda SIMAD ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadeyso taageerada horumarineed iyo tan waxbarasho ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan horayba u wadnay taageero aan siineyno jaamacadaha Soomaaliyeed, annaga oo ugu deeqnay kumbuyuutarro iyo qalab kale waana sii wadi doonnaa teegeeradas aan siineyno iskuulada iyo jaamacadaha. Fursadaha waxbarasho ee bilaashka ah waa mid muhiim noo ah, waxaana jirta hay’ad dowli ah oo qaabilsan arrintan. Hay’addaasi sanad kasta waxa ay bixisaa minxooyin, sand kasta waxay dowladda Turkigu waxbarasho siisaa 500 oo arday oo Soomaali ah”. ayuu yiri Danjire Olgan isagoo su’aalo uga jawaabayay ardayda.

Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Daahir Xassan Carab,  ayaa uga mahad celiyay danjiraha, shaqada uu ka hayo waddanka isagoo metelaya shacabka iyo dowladda Turkiga, wuxuu si gaar ah u xusay taageerada ay siiyaan jaamacadaha waddanka iyo ardayda Soomaaliyeed ee ay deeqaha waxbarasho dalkooda ugu qaadaan.

Dowladda Turkiga ayaa si joogto ah teegeero qalab iyo mid farsamo u siisa jaamacadaha ku yaalla waddanka. Sanadkii hore dalladda SomaliRen oo ay ku mideysan yihiin jaamacado ku yaalla gobollada dalka iyo machadyo ayay dowladda Turkigu siisay matoorro dabka dhaliya iyo kombuyuutarro