Sarkaal sare oo lagu dilay caasimadda Soomaaliya

173

Gaadiidka-gurmadka-booliskaXarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay masuuliyadda weerar gaadmo ahaa oo lagu dilay Maxamed Qaanuuni oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee laanta sirdoonka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero ‘argagixisada’, kaasoo lagu toogtay agaggaarka isgoyska km5 ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadaasi waxay warbaahinta u sheegeen in dabley hubeysan ay dhaawaceen Qaanuuni, markii danbana uu u dhintay dhaawacii gaadhay sarkaalkaasi.

Sidoo kale, sarkaal la socday Qaanuuni ayaa lagu dilay weerarkaasi ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ilaa iyo imminka masuuliyiinta dawladda federaalku kama aysan hadlin dilka Maxamed Qaanuuni, hase ahaatee dilkiisa ayaa dhacay maalmo kaddib, xilli dawladdu ay gacanta ku dhigtay 15 qof oo lagu tuhmayo inay xubno muhim ah ka yihiin dagaalyahanka ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab.