Sawiro: Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano hor leh

266

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay wadada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Degaanka Deynuunaay oo ka tirsan Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee Gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay Ciidamada Dowladda in Shabaab ay kala wareegeen degaano hor leh oo ka tirsan Baay.

Wuxuu sheegay in ay dhexda u xirteen sidii ay ula dagaalami lahayeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ee Shabaab.

Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegtay Ciidamada Koonfur Galbeed ee ku sugan Gobolada Baay iyo Bakool in ay u diyaar garoobeen dagaalka ka dhan ah Shabaab.