Sawiro:Cali Cabdullahi Cosoble oo markii ugu horaysay gaaray Beledwayne

547

Magaalada Beledwayne, ee xarunta gobalka Hiiran, ayaa maanta waxaa gaaray markii ugu horaysay madaxwaynaha maamulka Hir-shabelle iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wafdiga madaxweynaha Hirshabeele waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeele iyo xildhibaano kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Dadwayne badan, maamulka gobalka Hiiraan, saraakiisha ciidanka Amisom gaar ahaan ciidanka Jabuuti, ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay wafdigaasi.

madaxweyne Cosoble, iyo wafdigiisa  ayaa waxay kulamo la qaateen waxgaradka iyo odayaasha gobolka Hiiraan, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa wadashaqeynta maamulka iyo odayaasha gobolka Hiiraan, sida xaqiiqatimes ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne waxaa ku sugan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn u dhaliilsanaa dhismaha maamulka Hirshabeele.

Cosoble ayaa dhammaadkii sanadkii tagay waxaa magaalada Jowhar loogu doortay madaxwaynaha maamulka Hiir-shabelle, isagoo booqashan u ah tii ugu horaysay tan iyo inta uu qabtay xilkaasi.

Halkan ka daawo sawirada soo dhowaynta so-dhaweyntii-cosoble-4 so-dhaweyntii-cosoble-22 so-dhaweyntii-cosoble-9 201714636191071622545802so-dhaweyntii-cosoble-21 201714636191071938053925madaxweynaha-hirshabeelle-hiilnews-1 201714636191072685448937so-dhaweyntii-cosoble-19 201714636191072437211750so-dhaweyntii-cosoble-18 201714636191070587510771so-dhaweyntii-cosoble-8