Sawiro:Ra’iisul wasaare Khayre oo dhismaha Pentagon-ka Maraykanka kula kulmay Patrick Shanaha

180
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre Biddix, Patrick Shanaha, ku xigeenka xoghayaha difaaca Maraykanka/ Tallaado. Pentagon/ 26/9/2017 (SONNA)
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre Biddix, Patrick Shanaha, ku xigeenka xoghayaha difaaca Maraykanka Middig / Tallaado. Pentagon/ 26/9/2017 (SONNA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Wasaaradda difaaca Mareykanka kula kulmay  Ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Patrick Shanaha, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada Amniga iyo gaashaandhigga ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey Dawladda Mareykanka taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya. Wuxuuna xusay in xiligani oo  ay dawladdu  la tacaaleyso dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ay muhiim tahay iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada dal.

“Dawlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay noo balan qaadeen dib-u-dhiska ciidamadda Soomaaliya ay door ka qaadanayaan”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Patrick Shanaha  ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka  ayaa Dawladda Soomaaiya ku ammaanay kaalinta fir-fircoon ee ka qaadanayaan dib u soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka. isla markaana  uga mahadceliyey door kooda ku aadan dagaalka lagula jiro kooxaha nabadda diidan. Isagoo xusay in Mareykanka ay ka go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.