Sayful Islaam Qadafi oo laga sii daayay Xabsi ku yaala dalka Liibiya

459

c85d25fb874b4d7e808f04ebebe35ec8_18

Wararka laga helayo dalka Liibiya ayaa waxaa ay sheegayaan in wiilkii hogaamiyihii hore ee dalkaasi Mucamar Al-Qadaafi ee Sayful Islaam Qadaafi xabsiga laga sii daayay kaasi oo xabsi Ku jiray tan iyo 2011 kii xiligaasi oo dhacday xukunkii Kali taliska ahaa ee wadankaasi ka jiray mudo ka badan 30 Sano.

Sayful Islaam ayaa laga sii daayay xabsi Ku yaalaa Magaalada Zintan ee Ku taala koonfur galbeed ee Magaalada Caasimadda ah ee Tripoli.

War kasoo baxay maleeshiyaadka lagu magacaabo Abu Bakr al-Siddiq ayaa lagu xaqiijiyay siidaysmada wiilka hogaamiyihii hore ee Libya.

Sayful Islaam ayaa ahaa ninka ugu dhaqdhaqaaqa badnaa 8 dii  carruur ee uu dhalay macamar AlQadaafi.

Waxaa la qabtay 2011 kii xiligaasi oo uu u rabay inuu u qaxo dalka Niger oo daris la ah dalka Libya.

Sayful Islaam oo 44 jir ah ayaa July 2015 maxkamad Ku taala Magaalada Tripoli waxaa ay Ku xujuntay dil toogasho ah.

Ninkan ayaa waxaa aad u doon-doonaysay maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee loo yaqaano ICC isagoo loo hayso dambiyo dagaal.

Hoos ka akhriso warka lagu siidaayay Sayful Islaam oo Ku qoran luuqadda Carabiga

IMG_20170610_230730