Schulman Rogers: waa been abbuur eedda Qaramadda Midoobay

261

UNShirkadda Shulman Rogers ayaa beenisay eeddeynta loo soo jeediyay ka dib shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxeyse sheegtay in lacag 33 malyuun oo doollar gaareysa oo ay Soomaaliya laheyd inay soo celisay shirkaddu kuna wareejisay madaxda sare ee dawladda Soomaaliya.

Mr. Jeremy Shulman oo ka tirsan shirkadda Schulman Rogers, oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay ujeeddada shirkoodda jaraa’id. Wuxuuna carabka ku dhuftay inay diyaariyeen qoryeshayaal dhameystiran oo looga jawaabayo eeddaymaha lala xirriirinayo shirkaddooda.

Dhinaca kale, shirkaasi jaraa’id ee Schulman Rogers ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay faafisay wakaaladda wararka ee Reuters nuqul ka mid ah warbixin aan weli si rasmi ah u soo shaac bixin oo ay ku hawlan yihiin kormeerayaasha Qaramadda Midoobay ugu qeybsan la socoshadda xayiraadda Soomaaliya, taasoo si weyn loogu eeddeeyay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo wasiirkii hore ee arrimaha debadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo la sheegayo inay doonayeen si qiyaano iyo musuqmaasuq ku jiro inay u soo ceshadaan hantidda dawladdii hore ee Soomaaliya.

Nuqulka warbixintaas, oo si dadban ugu soo dusay saxaafadda waxaa kaloo lagu sheegay in madaxda Soomaaliya ay howshaasi qandaraas ku siiyeen shirkadda Shulman Rogers ee fadhigeeddu yahay Washington si qorshehaasi ay gacan weyn uga siiyaan dawladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayey hanti fara badan ka taalla meelo kala duwan oo caalamka ah, kuwaasoo hakad la geliyay bixintooda ka dib dagaalladdii sokeeye ee ka qarxay waddanka sanadkii 1991 waxaana ka mid ah lacag iyo dahab bangiyo ay hayaan iyo sidoo kale hanti dawladdeed oo weli ku maqan dunida.