Seddex xildhibaan oo Baydhabo lagu doortay ka dib doorasho adag

523

Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Doorashada ayaa maanta waxaa ay ahayd mid ka adag sidii hire, maadaama mid ka mid kuraasta ay Ku tartamayeen 7 musharax oo uu ka mid ahaayeen gudooniyihii hore ee gobalka Baay Cabadi Adan Hoosow iyo wasiirka Amniga maamulka K/galbeed Cabdifataax Maxamed Ibrahim Geesey.

Magacyada xubnaha kursigaasi Ku tartamay ayaa waxaa ay kala ahaayeen.

1:Cabdi rashiid cabdulaahi maxamed
2:Cabdi fataax maxamed ibraahim geesey
3:Cabdi aadan hosow
4:Cumar ali balash
5:Ali Ibraahim Ali  Shaamey
6:Yuusuf Xasan Mursal
7:Xasan Abshirow waxana  gulaystay C\fitax geesey o helay 33 cod.

Jawiga magaalada ayaa badelmay waxaana la maqlay rasaas dabaal-deg ah ka dib doorashada Geesey.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale lagu doortay labo xubnood oo kala ah Xasan ibrahim Maxamed oo helay 51 cod, Maxamed Isxaaq Cisman Mad Fanax oo helay 35 cod.