Hawlgalka Badweynta Hindiya oo lala maaggan yahay Shabaab

266

Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u waramayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku dhawaaqay in hawlgalkii ugu weynaa oo ay wadajir u fuliyaan ciidamadda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dawladdu uu billaan doono maalmaha soo socda si buu yiri madaxweynuhu looga saaro xarakada Shabaab deegaanada ay ku harsan yihiin ee Soomaaliya.

Inkastoo Al-shabaab ay ka taliyaan weli qaybo ka mid ah Soomaaliya ayuu madaxweynuhu sheegay in iminka goobahaasi noqon doonaan kuwo ay diiraddu saaran tahay, si loo dhameystiro hawlgalkii soo billowday horaantii sanadkaan kaasoo Shabaab ay ku wayeen gabaadyo ay ka duulaan tagi jireen.

“Hawlgalka Badweynta Hindiya ayaa lagu wadaa in uu billowdo maalmo gudahood, waxaanu dejinay dhamaan wixii qorshe ahaa si loo xaqiijiyo in hawlgalku uu guuleysto shaki la’aan.” Sidaasi waxaa laga soo xigtay madaxweyne Xasan xilli uu ku guda jiro booqashadiisa Washington, halkaasoo uu uga qeyb galay kulan madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Mareykanka.

Madaxweynuhu wuxuu hoos u dhigay weeraradda sii kordhaya ee Muqdisho – kuwaasoo ay ku jireen dil loo geystay mudane barlamaan isbuucii la soo dhaafay – wuxuuna sheegay in Shabaab iminka la ciribtirayo. Dhinaca kalena wuxuu si weyn u bogaadiyay kalsoonida uu ku qabo ilaalada sugta amaankiisa inkastoo ay Shabaabku dhowr jeer soo weerareen madaxtooyadda iskuna dayeen in ay dilaan qudhiisa iyo rag kale oo kula jira hogaanka sare ee dawladda ayuu hadana sheegay in aysan taasi Shabaab ku guuleysan doonin hadda iyo mustaqbalkaba toona.

Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa maamulayay inta badan koonfurta Soomaaliya intii u dhaxeysay 2006-dii illaa iyo 2011-kii, balse markii danbe laga saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku jiray gacantooda.

Dhanka kale booqashada Xasan Sheekh ee Mareykanka ayaa ku soo beegmeysa xilli uu aad u soo hagaagayo xirriirka labada wadan. Mareykanka ayaa bishii Juun ku dhawaaqay in uu soo magacaabayo danjirihiisii ugu horeeyay tan iyo 1993-kii markii ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee Soomaaliya.