Shabaab oo loo fidiyay cafis si cad u shaqeynaya

215

Rag-isi-soo-dhiibay

Sida ay sheegayaan warbixinno madaxbannaan oo ay heshay warbaahinta Xaqiiqa Times waxaa imminka sii kordhaya tirada dayaalyahanka weli kasoo baxsanaya Al-shabaab, iyada oo toddobaadkaan gudahiisa oo keliya isu soo dhiibeen saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ciidamadda huwanta iyo guddoomiyeyaasha Sh/hoose iyo Hiiraan in ka badan 50 dabley ah oo horey uga tirsanaa ururkaasi.

Raggaasi qaarkood oo wareysiyo bixiyay waxay sheegeen inay isaga soo tageen Shabaab, kaddib dilkii Abuu Zubeyr waxayna sidoo kale sii shaaciyeen jiritaanka daraasiin iyo daraasiin kale oo siyaabo kala duwan u soo goosanaya waqti xaadirkaan sida bay yiraahdeen go’aamo lagu wada gaadhay.

Dhinaca kale, waxaa jira xiriiro iyo qorsheyaal wada socda oo si hoose ku dhacaya, kuwaasoo lagu soo xero gelinayo xubno sare oo muhim u ah dhaqdhaqaaqa ururkaasi ee gobollada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Goor sii horreysay madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa markale ku celiyay cafis guud oo loo fidinayo xarakada Shabaab, kaasoo ku eg muddo 45 maalmood ah. Waxayna isku raaceen in cid kastoo ka tirsan xarakadaasi ee isi soo dhiibta ka hor inta aanu dhammaanin muddadaasi loo qabtay ay xukuumaddu cafin doonto si ay uga mid noqdaan bulshada kale ee waddanka ku nool.

Shabaab si cad ugama hadlin dalabkaasi, inkastoo ay wejihayaan dagaalkii ugu weynaa abad ma ahan oo keliya duqeymaha cirka ee Maraykanka, balse AMISOM oo kaabaysa ciidamadda dawladda ayaa duullaan dhinaca dhulka ah ku qaaday magaalooyinka ay maammulaan ururkaasi.