Shabaab oo sheegtay weerarkii Eng. Cali Madoobe

179

Eng.-Cali-MadoobeAfhayeenka dhinaca hawlgallada xarakada Shabaab ee Soomaaliya, Sheekh Cabdicasiis ‘Abuu Muscab’ oo wareysi siiyay idaacadda Al-andaluus ee ay ururkaasi maammulaan ayaa si rasmi ah u sheegtay masuuliyadda weerar gaadmo ahaa oo lagu dilay 2 qof sidoo kalena lagu dhaawacay maareeyaha saadaasha iyo duulista garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, dhaqaatiirta caafimaadka ee ka hawlgalla cusbitaalka ciidamadda nabad ilaalinta midowga Afrika ay ku lee yihiin xaruntii hore ee tababbarka Xalane ayaa weli la tacaalaya dhaawaca maareeye Cali Maxamed Ibraahim oo ku magac dheer ‘Eng. Cali Madoobe’.  wuxuu ka mid yahay aqoonyahaniinta sida gaarka ah ugu xeeldheer arrimaha saadaasha iyo duulista hawada sare ee Soomaaliya.