Shabaab ‘wuu shahiiday sheekhii’

339

Al-shabaab taaganMasuuliyiinta xarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay war qoraal ah oo ay soo saareen ku xaqiijiyay geerida Godane, waxayna wacad ku mareen inay u aargudi doonaan hoggaamiyahoodii Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan ‘Abuu Zubeyr’ iyo saraakiil kale oo ay Maraykanku dileen, kuwaasoo aysan weli si rasmi ah u shaacinin magacyadooda ilaa iyo imminka.

Shabaab ayaa sidoo kale, hoggaamiye cusub u doortay Sheekh Axmed Cumar oo loo yaqaan ‘Abu Cubeyd ama Axmed Diiriye’ oo mar ahaan jiray guddoomiyaha gobollada Baay iyo Bakool ee ururkaasi. 

Abu Cubeyd, ayaa noqonaya hoggaamiyaha seddexaad ee Al-shabaab, wuxuuna beddeli doonaa Abuu Zubeyr oo horrey xilkaasi u gala wareegay Sheekh Ismaaciil Caraale kaddib markii sannadkii 2007-dii loo diray xabsiga Guantanamo Bay ee waddanka Cuba.

Dhinaca kale, bayaankaasi waxaa lagu sheegay in xarakadu ay markale cusboonaysiinayso heshiiska ay kula jirto Al-qaacida iyo u hoggaansamidda hoggaamiyaha shabakadaasi Dr. Ayman Al-zawaahiri.