Ugu yeraan Shan qof ayaa geeriyootay kuwo kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen masjid ku yaala Magaalada Quebec, ee dalka Canada.
Weerarka ayaa dhacay xili dad badan oo muslimiin ah ay ku cibaadaysanayeen masjidka Lana dukanayay salaadda Maqrib.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Wakaaladda wararka Reuters, u sheegay in 3 qof oo hubaysan ay xabado ku fureen 40 qof oo masjidka ku jiray.
Philippe Couillard, oo ka mid ah mas’uulkan Magaalada Quebec, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in weerarkaasi uu ahaa wwerar “argagaxisinimo oo fulaynimo ah” waxaana uu sheegay in uu ahaa mid lagu qaaday Muslimiinta Canada.
Waxaa uu ku baaqay in dadka Magaalada ay garab istaagaan dadka Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Quebec.
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac ah, isagoo sheegay in weerarka loo soo qabtay labo ruux.
“Xaaladda waa mid degan howlgalka badbaadintuna waxaa uu kusoo dhamaaday si fiican, xaaladda waxaa gacanta ku haya Booliiska” Ayuu sheegay Afhayeenka Booliiska
Madaxa masaajidka Maxamed Yangui, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid “bahalnimo ah”.
Ra’iisul wasaariha Dalka Canada, Justin Trudeau ayaa cambaareeyay weerarka waxaana uu tacsiyo u diray ehelada dadka lagu laayay masjidka.
2016 masjidkan ayaa lagu qaaday weerar aan qasaaro badan aan dhalin.