Shan xildhibaan oo lagu doortay Muqdisho ” Sawiro”

231

Doorashada Aqalka Hoose xubnaha matali doona Deeganada Soomaaliland ayaa markale maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ammaanka goobta ay ka dhacaysay doorsshada ayaa aad loo adkeeyay.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxaa ka mid wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Feysal Cumar Guuleed ayaa la doortay isagoo helay  29 cod, waxaa uu ka adkaaday musharaxii  la tartamayay C/xakiin Cige.

Aamina Cumar Jaamac ayaa iyana ku guuleystay kursiga Beesha Muuse Abokor ee Habar Jeclo, iyadoo heshay 51 cod, halka Faa’iza Axmed Cali oo la tartameysay aysan wax cod ah helin.

Saalax Jaamac Ahmed ayaa ku  soo baxay kursiga beeshiisa, isagoo helay 50 cod, waxaana uu ahaa kursiga 5aad ee maanta la doortay.

Doorashada xubnaha ka soo jeeda Gobolada waqooyi ayaa wali ka socda xarunta gaadiidka Booliska, waxaana illaa iyo hada la doortay 11 Xildhibaan.

waqoyi4waqoyi8waqoyi1waqoyi7