Shanta qof ee ugu saamaynta badan Soomaalida Kenya

617

 

Somaalida ku nool dalka Kenya ayaa waxaa lagu qiyaasaa dad ka badan 2 million iyo bar kuwaasi oo badankood degan gobalka Waqooyi Bari ee Kenya, waxaa ay la kulmeen dhibaato farabadan xiligii gumaysiga.

Gumaysiga ka dib dowladdii uu hogaaminayay Aabaha dhalay Uhuru waxaa dowladiisa ay dhibaataysay Soomaalida.

Dowladihii ku xigtay ee Moi, ayaa ayaduna sidoo kale ku kacday dhibaato badan oo ay ka mid tahay xasuuqii waagala, iyo kuwo kale.

Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, ayaa balanqaaday inuu sixi doono dhibaatadii uu sameeyay aabihiis iyo Daniel Arab Moi.

Halkan hoose ka akhriso Shan qof ee ugu Saamaynta badan Soomaalida Kenya.

1: Aadan Barre Ducaalle.yzwnsrepsvmd9zsrwzix588c48800b1e4

Aadan Barre Ducaalle, waxaa laga soo doortaa kuriga xaafadda township ee Magaalada Gaarisa. Waxaa Mar laga soo dooran jiray deegaannada Dhuujis.

Magac Aadan Barre Ducaalle, ayaa kor u kacay ka dib markii isaga iyo William Rutto, ay ka baxeen isbahaysigii mucaaradka we uu hogaaminayay Railla Odinga.

Aadan Barre Ducaalle iyo William Rutto, ayaa markasi samaystay xisbi magaciisu ahaa United Repoblic Front, xisbigiisa midnimada Jamhuuriyiinta, kaasi oo markii dambe la midoobay xisbigiisa TNA.

Labada xisbi hogaamiyaashooda oo kala ahaa Uhuru Kenyata, William Rutto iyo Aadan Barre Ducaalle ayaa kala qaybsaday Awooda inta aanu xisbigiisa ku guulaysan Doorashada.

Uhuru Kenyata waxaa la siiyay xilka Madaxwaynaha halkan William Rutto la siiyay madaxwayne ku xigeenka, Aadan Barre Ducaalle ayaa doortay kuriga hogaamiyaha Aqalabiyadda Baarlamaanka.

Aadan Barre waxaa lagu tilmaama qofka ka sareeya Gudoomiyaha Baarlamaanka. mararka qaar waxaa saamayntiisa la gaarsiiyaa madaxwayne ku xigeenka 3 xaad.

Uhuru hadii uu u baahan yahay inuu wax Baarlamaanka ku saabsan waa inuu wax ka dhagaysto  Aadan Barre Ducaalle.

2: Cabduqaadir Maxamed.Abdulkadir_ Hussein

Waa la taliye Sare oo dhanka Sharciga iyo madaxa fulinta madaxtooyada Dalka Kenya.

Mas’uulkan Soomaaliga ah shaqadiisa waa inuu dajiyo istaraatijiyad kasta oo dhanka Sharciga ah iyo inuu la taliyo Uhuru Kenyatta, waana ninka labad ee ugu saamaynta badan Soomaalida Kenya.

3: Aamino Maxamed.Amina_Mohamed

Waa wasiirka arrimaha dibadda Kenya, waxaa ay Mar ahayd safiirka Kenya u fadhiya Magaalada Geneva. Hadda waxaa ay u taagan tahay xilka Gudoomiyaha Midowga Afrika.

4: Cabdinaasir Cabdullaahi.med

5: Faarax Macalin.

Farah-Maalim

Maxamed Dhaaysane Xaqiiqa times