Sheekadii Adeegto ee xiisaha badneyd

4493

hhhhhhhhWebsite-ka xaqiiqa.com wuxuu idiin bilaabayaa manta oo taariikhdu ay tahay sheekadii xiisaha badneyd ee Adeegto.

Waa mid jirto in dadku nolosha ku kala duwanaado, waa ma dhacdo in si isku mid ah dhamaan dadku u wada noolaado, ha yeeshee waxaa iyana jirta in fiiro loo yeeshaana ay tahay arrin lama huraan ah in loo qiro loona ogaado qof kastiba kaalinta uu bulshada kaga jiro xagga wax qabadka iyo xag wax qabsiba. Arrintani ma aha mid loo dhasho ama la iska dhaxlo ee waa mid ku xiran hadba qofku sifuu wax u qabanayo.

Qofku waxa uu qabanayo waa in loo ogaado, laguna xaq mariyaa. Haddi taa la waayo dulmi baa dhacaya, mana ahah dulmi-gaasi mid loo baahan yahay.

Adeegto (booyeeso) waa qiso ku saabsan gabar markii hore ahayd reer baadiye, markii xigeyna magaalo soo gashay. Qisadu waa nolosha gabadhaa, mar kastaba way dulmaneyd, aan ahayn markii ugu dambeysay ama qeybtii dambe ee nolasheeda taasoo cid alla baxshay, nin ay mahadisayna haleeshay ugu dambayn.

Waa mid ayanu wada og nahay nolosha gabar raja ah oo baadiye ari aayadeed madax ugu tahay raacda, waxaynu kaloo ogsoon nahay qofka adeegto, booyaaso ama jaariyad la yiraahdaana sida ay u nooshahay, midda kaloon sida fiican u wada naqaannaa waa dhaqammada xun ee aynu leenahay ee la xiriira dhanka guurka ama waxalagu magacaabo is-gayidda. Dhammaan tilmaamahan waxaad ka heli doontaa qisadan. Waa mid jirta in dhaqan xumada dad rabey faraha kaga guban doono, siday u filayeenna ay noqon weydo.

La soco beri insha allah qeybta koowaad.

www.xaqiiqa.com