Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka haray tartanka kursiga beeshiisa

296

Sheekh C/qaadir Cali Cumar, ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu isaga haray doorashada Tartanka Kursiga Aqalka Hoose ee jufada Heysoow ee beesha Saleebaan oo ay maanta ku tartami lahaayeen isaga iyo Musharax kale oo la sheegay inay taageero ka heystaan Madaxtooyada Soomaaliya

C/qaadir Cali Cumar ayaa warbaahinta u sheegay inuu isaga baxay tartanka.

“Muddo 30 maalmood ayay wadeen sidii ay u bedeli lahaayeen ergooyinkii saxda ahaa, waxaa jirtay 34 ergo oo ahaa kuwo sax ah, waxaa lagu bedelay ergooyin kale ee been abuur ah, hadii meesha wax doorasho oolin oo ku shubasho ay jirto, waxaan  ga’aan saday inaan Tartanka isaga haro”ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

Waxaa uu sheegay inuu jiro go’aan Madaxtooyada ka soo baxay oo ay fulineyso Galmudug, kaasoo ah in aan isaga ku soo bixin kursiga Xildhibaannimo, sidaas darteed uu yahay qorshe isaga looga hor-joogsanayo, maadaama uu taageero ka heysto dadka deegaanka.

Waxaa uu  intaa ku daray in iyaga haba yaraatee lagu soo wargelin doorashada ka dhaceysa Madaxtooyada, sidaas darteed la rabo in meel cidlo ah laga qaato, isagoo tilmaamay in Tartanka doorashada lagu soo beegay xilli maalin jimco ah oo salaada khudbada la aadayo.

Waa kursigii labaad oo ka tirsan kuraasta soo gaaray Beesha Saleebaan oo inta aan tartankiisa dhicin la qaadaco, maalin ka hor ayay aheyd markii Caasha Xaaji Cilmi oo ka mid aheyd Musharaxiintii u tartamayay Kursiga Beesha Saleebaan/Gaabane ay qaadacday, kaddib markii la diiday in kursigan u tartamaan Haween kaliya.

Tartanka u dhaxeeyay C/qaadir Cali Cumar iyo Saabir Nuur Shuuriye ayaa ahaa mid aad loo hadla hayay, waxaana dad badan ay tartanka kursigan la xiriiriyeen  inay si hoose ah ah ugu loolamayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif.