Shiinaha oo Qalab Waxbarasho u Qeybiyay Soomaali

374

Safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa Axaddii (29-kii Juun) qalab waxbarasho iyo mid xafiis u qeybiyay dadka ku jira Xarunta Agoonta Badbaado ee Muqdisho.

“Markii la ila socodsiiyay xaaladda xun ee ay ku sugan tahay xarunta aad baan uga naxay. Kaddib waxaan go’aansannay inaan kaalmeyno. Waan ku faraxsanahay inaan caawinnay” ayuu yiri danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Wei Hongtian oo ka hadlay xaflad qalabka lagu wareejinayay.

Danjiraha wuxuu xaqiijiyay inuu Shiinaha sii wadi doono taageerada dhaqaale ee uu siiyo carruurta Soomaalida.

“Carruurtu waa jiilka mustaqbalka, waana in la garab qabto. Waxaan rajeynayaa caawimaaddeenna inay yareyn doonto dhibaatooyinka haysta carruurta” ayuu yiri.

Madaxa xarunta Badbaado Yuusuf Yaasiin oo la hadlay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegay in safaaradda Shiinaha ay ka jawaabtay codsi kaalmo oo ay u direen, isagoo xusay inay taasi muujineyso sida ay dowladda Beijing uga go’an tahay inay garab siiso dadka Soomaalida ah.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa safaaradda Shiinaha caawimaadda ay siisay Soomaalida, sidoo kale danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaan bogaadinayaa sida uu Soomaalida uga taageero dhinacyada kala duwan” ayuu yiri Yuusuf.

Madaxa Xarunta wuxuu tilmaamay safaaradda Shiinaha inay tahay tii ugu horreysay kuwa dalka ku yaalla oo kaalmo gaarsiisa xaruntooda.

Qalabka ay safaaradda siisay xarunta ayaa isugu jiray kuraas, miisas, boorsooyinka garabka lagu qaato ee ardayda iyo busteyaal.

Xarunta waxay hooy u tahay 121 qof oo agoon ah.