Shil gaari oo sababay dhimashada 5 ruux oo ka dhacay Puntland

261

28-450x337

Sida ay sheegayaan wararka laga helay Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, Shan ruux ayaa geeriyootay lix kalena waa ay dhaawacmeen.

Dadkaan ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Garowe, kadib markii ay isku dhaceen gaari booyad ah oo xowli ku socday iyo gaari yar oo dadka dhintay qaarkood ay saarnaayeen.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in shilka uu si xun u dhacay, taasi oo sababtay dhimashada Shanta ruux iyo dhaawaca lixda kale, kuwaasi oo loola cararay xaaladooda caafimaadka Isbitaalka Magaalada Garowe.

Shilka ayaa sabab waxaa u ah gaariga weyn oo xawaare dheereya ku socda, maadaama laamiga uu ku ordaayay uu yahay mid nadiif ah oo uusan laheyn bur bur.

Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garowe, ayaa ku baxay goobta shilka uu ka dhacay, iyagoo gaaray meesha ay wax ka dhaceen.

Inta badan shilalka noocaan ah ee ka dhaca deeganada Puntland ayaa sabab waxaa u ah gaadiidka oo ku socda xawaare dheereeye, islamarkaana ay adag tahay in la xakameeyo gaariga.