Kismaayo oo uu ka socdo shir dib u heshiisiineed

183

Shirweyne-KismaayoWararka laga helayo magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaasi si rasmi ah uga furay wejiga labaad ee shir weynaha dib u heshiisiinta reer Jubaland waxaana ka qeybgalaya masuuliyiin ka socota Qaramadda Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD, xildhibaano, wasiiro, salaadiin, waxgarad iyo ururada bulshada gobolladaasi.

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay madasha shirkaasi ka dhacayo oo ah xaruntii hore ee caymiska qaranka balse dhawaan loo beddelay aqal uu yeelanayo golaha barlamaanka Jubaland ayaa ku booriyay madaxweyne Axmed Sheekh Maxamed Islaam iyo maammulkiisa inay soo dhaweeyaan cid kasta oo doonaysa ka qaybgalka hannaanka wadahadalka si buu yiri madaxweynuhu degdeg loogu dhameystiro dawlad gobolleedka seddexdaasi gobol.

“Dadka ku nool gobolladaan dhibaatooyin badan ayaa ku dhacay muddooyinkii lasoo dhaafay welina qaarkood waxbay kala tirsanayaan, sidaasi awgeed waxaan jeclaan lahaa in arrimahaasi oo dhan lagu xaliyo fadhigaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, ergeyga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya ugu qaybsan urur gobolleedka IGAD, Maxamed Cabdi Afeey ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay shirka lagu heshiisiinayo bulshada gobolladaasi waxuuna carabka ku adkeeyay in markasta ay garab taagan yihiin Jubaland.

Inkasta oo shirkaasi si habsami leh u socdo, haddana waxaa kasoo horjeestay Col. Bare Hiiraale oo warbaahinta madaxabannaan la hadlay.