Shir looga hadlayo abaaraha oo Muqdisho ka dhacay

412

Kulan loogaga hadlayay abaaraha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo kulankaasina ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo weliba guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta ay qaramada midoobay ku leedahay magaalada Muqdisho ee Xalane,  ayaa si weyn loogaga hadlay sidii loogaga hortagi lahaa dhibaatooyin ka dhasha abaaraha iyo sidii loogaga hortagi lahaa macluul ay sababto abaarta.

Shir jaraa’id oo ay qabteen mas’uuliyiintii ka qeybgashay kulankan ayaa waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uu sheegay in dowladda ay wax kasta oo suuragal ah samayneyso si loogu gurmado dadka abaarta ay ku habsatay.

Isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya Peter de Clercq oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay inin xaaladda abaarta Soomaaliya ay meel xun marayso, ka dib markii ay curan waayeen roobabkii gu’ga iyo deyrta ee la filayay sanadkii tegay.

De Clercq ayaa tilmaamay in abaarta ay dhalisay in ay sare u kacaan qiimaha lagu kala iibsado biyaha iyo cuntada ayna xaaladda abaarta ay kasii dari karto xilliga jiilaalku uu yahay bilow.

“Inta badan caalamadihii ka horeeyay abaartii 2011 ayaa hadda muuqda”

“Wax badan waxa ay  ku xiran yihiin roobka gu’ga ee la filayo bisha April ee soo socota.”

“Balse saadaasha roobkaasi ma aha mid wanaagsan.” sidaasi waxaa yiri is-ku duwaha howlaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya Peter de Clercq.

Abaarta oo ka jirta inta badan Bariga Afrika, ayaa si weyn u saamaysay dadka iyo Duuyada deegaannada Soomaalida, waxaana ku xoola beelay dad badan.

Abaartan ayaa keentay in meelo badan oo Soomaaliya ah ay dadku bilaabeen inay is dilaan.

Goobaha arrimahaasi ay ka dhaceen waxaa ka mid ah gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Halkan ka daawo so sawirada Shirka

jawari-besha5 jawari-besha4 jawari-besha3 jawari-besha2 jawari-besha1