Kulan Xasaasi ah ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Xarunta Ciidanka Amisom ee Magaalada Moqdishu ee Xalane.
Kulanka waxaa waxaa ka qayb-galay Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaliya Danjire Macheal Keating, Guddoomiyaha Baarlamanaka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Abakaate Cumar Dhageey iyo Xubno kale oo Saraakiisha Amniga ka tirsan.
Kulanka waxaa kaloo qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Guddiga heer Qaran ee doorashooyinka 2020-ka Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yareey”.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cumar Dhageey, ayaa ka hadlay Xaalada ay ku sugantahay Doorashooyinka dalka ka socda iyo Caqabadaha ka soo wajahay qaar ka mid ah Doorashooyinka Labada Aqal ee ka dhacay Maamul Goboleedyada.
Wakiilka UN-ka u qaabilsan Soomalia Micheal keating ayaa sheegay in ay muhiim tahay dadajinta doorashooyinka,ayna lagama maarmaan ay tahay dhameystirka Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soomaliya.
Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Kulanka Xalane ka dhacay.