Xulista Barlamaanka Maamulka Juba oo Doolow Ka Socda

192

Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo waxaa ka socda shirar looga arinsanayo soo xulidda Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka mid noqonaya Maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba. Ergo kusgan goobta shirka ka socda ayaa sheegaya in ay jiraan kala fikir duwanaansho meelaha qaar balse ay muhiim tahay in la soo dhamaystiro xubnaha gobolladaasi kaga mid noqonaya Baarlamanka Maamulka Jubba.

Dowlow Waxaa hadda ku shiraya mas’uuliyiin ay ka midyihiin Wasiir Ku Xigeeno, Xildhibaanno, oday dhaqameedyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo ah Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha ayaa sheegay in ay Gobolka u yimaadeen sidii ay u dhamaystiri lahaayeen gacanna ay u siin lahaayeen Maamulka Axmed Islaam oo gacanta kuhaya howshan.

Maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba ayaa ku howlan soo xulista Xildhibaano uu yeesho Baarlamaanka 3da gobol ee Gedo,Jubada Hoose iyo Jubada DHexe.