Shir loogu magac-daray shirka Talo Qaran oo ka furmi doona Moqdisho

300

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iclaamiyay in magaalada Muqdisho uu ka dhici doono shir weyn oo uu ugu magac daray Talo Qaran, kaasoo lagu soo uruurinayo talooyinka dadka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad.

Shirkan Talo Qaran ayaa lagu qaabeynayaa istiraatiijiyada iyo siyaasada ay ku howl geli doonto dowladda   cusub ee waqtigeeda ku jaan go’an 2016-2020.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fariin muuqaal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku faah faahiyay ujeedada shirkan Talo Qaran ee la qabanayo.

Xasan Sheekh ma uusan carabaabin waqtiga la qabanayo, iyadoo muddo 12-cisho oo kali ah ay ka harsan tahay waqtigii loo asteeyay inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha.

“Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doona shir weyn oo la yiraahdo Talo Qaran oo lagu soo uruurinayo Talooyinka dal iyo dibad laga keenay, talooyinkaas oo noqonaya Soomaalida cusub waqtiga soo socda ee 2016-2020, sida dowladda u dhaqmi doono iyo waxa dowladda laga sugayo oo ay dakda u sheegaan, in dowladda imaan doonta istiraatiijooyinka iyo siyaasaadka lagu dhaqan gelin lahaa, taladaas qaran oo laga soo uruuriyay dadka muhiimad weyn ayuu leeyahay”ayuu ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh fariinta uu Facebook-ga soo dhigay.