Shir-madaxeedka 29-aad ee urur gobaleedka IGAD oo ay ka qeyb-galeen madaxweyneyaasha wadamada ku bohoobay ururkaas ayaa looga hadlay horumarrada Soomaaliya ay ka sameysay dhanka doorashooyinka, amniga iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka ku yaalla.
Madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha doorashooyinka ku howlahan iyo ciidammada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM guulaha ay ka sameeyeen qabsoomidda doorashooyinka dadban ee Barlamaaniga ah, kuwaas oo hadda gabo-gabo ku dhow.
Sidoo kale madaxda IGAD ayaa ku baaqdey in la dadajiyo ilaa dhammaadka bishan qabsoomidda doorashada madaxweynaha iyo guddoonka Barlamaanka, iyagoo u rajeeyey in arrintaasi ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey iyo waqtiga loogu talo-galay in ay ku dhacaan howlahaasi.