Shirka Carabta Africa ee ka bilowday Magaalada Malabo oo lagu kala tagay

321

Shirka wadamada Carabta ah  ee Afrika ayaa ka bilowday Magaalada Malabo ee xarunta wadanka Equatorial Guinea.

Sida ay Ku waramayso wakaaladda wararka dalka Turkiga qaybta afka Carabiga, shirka ayaa markii uu bilowday waxaa ka baxay wadamo badan.

Wadamada shirka ka baxay ayaa tiradooda lagu sheegay 8  wadan, kuwaasi oo kala ah Soomaaliya, Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Baxrayn, Yemen, Qadar Jordan/ Urdon iyo Marooko.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in Imaaraadka Carabta uu Ku dooday in shirka uu kasoo qayb galo wadanka la yirahdo Jamhuuriyadda Carabta ee Saxraawi, go’aankaasi oo uu qaaday wadanka Morocco.

Faah-faahin kale filo.