Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowald goboleedyada ayaa soo bandhigey qodobada muhimka ah in wax laga qabto si loogu saaro guddi isku dhaf ah oo ka soo jeediya sidii Dowladda Federaalka iyo maamuladu uga wada shaqeynalaahaayeen.
Qodobada ugu culus waxaa ka mid ah:
- Siyaasadda
- Hannaanka Federaalka
- Dib u eegista Dastuurka
- Doorashooyinka 20202
- Amniga
Qodobadan ayaa waxaa mid kasta hoos imaanaya qodobo kale oo badan.
Qodobadan ayaa ah kuwo culus, waxaana lagu wadaa in guddi ay iska dhex qabtaan soo diyaariya heshiis labada dhinac wada saxiixaan, si looga gudbo khilaafka taagan.
Dhanka kale
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa faah faahin ka bixiyay shirka u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo Madaxda dowlad Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in qodobada shirka wadatashiga looga hadlayo ay ugu horeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xalinta arrimaha taagan ee dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, dar dargelinta Nabadgelyada dalka iyo cirib tirka argagixisada Al-Shabaab, Horumarinta hanaanka Federaalka, dar dargelinta dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka iyo abuuritaan hanaan wada jir ah oo arrintan looga shaqeyno, Barnaamijka la xiriira geeddi socodka doorashada hal qof iyo hal cod 2020 iyo sidii looga faa’iideysan lahaa mashaariicda.