Shirka Garowe oo furmay iyo Farmaajo oo baaq u diray maamul gobaleedyada

89

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal dardaaran ah u jeediyey Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ka jira ee ka qeyb galay shirka wadatashiga ah ee uu Madaxweyne Farmaajo Maanta ka fulray Magalada Garoowe.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muhiimadda ay leedahay in wadajir looga arrinsado arrimaha muhiimka u ah horu socodka iyo dowladnimada dalka, isagoona ku bogaadiyey Madaxda sida ay uga go’an tahay ka miro dhalinta himlooyinka shacabka.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo iskaashiga lagu horumarinayo dalka, mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.