Shirka Gobollada Dhexe oo Ka Furmaya Cadaado

 

11072012_906915535995762_2542573636756251969_n

 

Warar xog-ogaal ah oo  Xaqiiqa Times ka heshay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta ama bari la soo afjari doono muranka ku saabsan madasha lagu qabanayo Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaaliya oo illaa hadda aan xal buuxa laga gaarin.

Siyaasiyiin iyo qaarka mid ah ergooyinka ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaaa u sheegay Xaqiiqa Times in siyaasiyiinta  iyo ganacsatada ku shirsan Dhuusamareeb inta badan isku afgarteen in madasha shirka ay noqoto magaaalada Cadaado iyadoo Oday dhaqameedyada iyo Salaaadiinta uu  hadda shir u socdo arrintaan go’aan looga gaarayo.

Siyaasiyiinta iyo ergooyinka u xog waramay Xaqiiqa Times ayaa intaasi ku daray inay u badan tahay in islamaantaba hal qorshe lagu heesiiyo kaasi oo midaynaya go’aanka laga gaarayo goobta lagu qabanayo shirka, waxa ayna sheegeen inay u badan tahay in lagu qabto magaalada Cadaado oo hada ah xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Dhanka kale, wararka Xaqiiqa helayso ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud  laga yaabo inuu barri u safaro magaalda Dhuusamareeb si ugu dhawaaqo in gogasha shirka maamulka loogu dhisayo Gobollada Dhexe  ay si rasmi ah uga furantahay magaalada Cadaado.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa  ku sugan wafdi uu Hogaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Axmed Cabdisalaan halka wafdi kale oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” uu ku sugan yahay magaalada Cadaado.