Shirka Hiigsiga cusub ee Soomaaliya oo furmay

354

shirka-Shirka Hiigsiga Cusub ee loo qabtay maanta oo arbaca ah Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furmay, waxaaana ka qeybgalay wufuud caalami ah.

Dhirka Copenhagen ee dalka Denmarka, ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga ayaana guddoominaya oo furay shirka.

Sidoo kalena waxaa dhinacyadiisa fadhiyaan Ra’iisul Wasaaraha Denmarka, Ergeyga Qaramada Midoobey iyo mas’uuliyiin ka socday dowlado caalamka ka socda.

Shirka ayaa socon doono muddo labo cisho ah waxaana looga hadlayaa arrimaha siyaasadda eeSoomaaliya oo ku saleysan, hiigsiga sanadka 2016-ka, dhismaha maamul goboleedyada, hirgelinta nidaamka federaalka iyo waxyaabihii laga qabtay dib u eegista dastuurka dalka.

Shirka hiigsiga cusub ee New Deal waxaa kaloo lagu soo hadal qaadi doonaa arrimo ay ka midyihiin la xisaabtan xagga maaliyadda ah gaar ahaan deeqaha ay beesha caalamku siiso Soomaaliya, iyo dib u eegis lagu sameyn doono waxyaabihii ka hirgalay shirkii lagu qabtay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ee sanadkii 2013-ka.