Shirka IGAD oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya

242

Shir Madaxeedka Dalalka Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu Wadaa in looga hadlo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku daadsan dalalka Qaarada Afrika Qaarkood.

Waxaa Shirkaan diirada lagu saaraya Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale Madax kale ayaa lagu Wadaa in ay ka qeyb galaan Shirka.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay dowladda Kenya iyo sidoo kale Hay’adda UNICEF , waxaana ka qeyb galaya xubno ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Sidoo kale Qodobada looga hadlaayo Shirka ayaa waxaa ka mid ah Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Xeryaha Dhadhaab.

Shirkaan ayaa maalinta Sabtida ah ka furmi doona Magaalada Noirobi ee dalka Kenya.