Shirka London oo furmay oo Madaxwaynaha oo khudbad jeediyay

309

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya Madax badan oo ka socota caalamka, iyo Madaxda Soomaaliya waxayna ujeedadu tahay in laga wada arrinsado sidii loo kordhin lahaa Taageerada la siiyo Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka ayaa sheegay dowladdu inay Muhiimada koowaad siiisay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Farmaajo ayaa sidoo kale u ammaanay Beesha Caalamka iyo Qurba joogta Gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu Saameeyeen.

Madaxweyno Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in abaaraha dalka ka jira ay barakiciyeen ilaa 600,000 oo qof tan iyo bishii Nofembar ee 2016, wuxuuna ugu baaqay caalamka in laga hortago in dalka ay ka dhacdo xaalad bani’aadanimo iyo sidoo kale in diiradda la saaro sidii looga soo kaban lahaa abaarta.

Sidoo kale Madax kale oo ka tirsan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa Shirka Khadbado ka jeedin doona