Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo lagu qabanayo Cadaado

200

Madaxweyne-Xasan-SheekhMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud lagu qaban doono degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa hadalkaas ka sheegay booqasho saacado qaadatay oo uu Talaadadii (10-kii Febaraayo) ku tagay qeybo ka tirsan gobolka Galgaduud, wuxuuna xaqiijiyay inuu shirka furmi doono koowda bisha Maarso ee soo socota.

Wuxuu caddeeyay inay dowladda Soomaaliya garab taagan tahay maamulka loo dhan yahay ee la qorsheynayo in loo dhiso Gobollada Dhexe.

Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa isku haystay martigelinta shirka.

Socdaalka Madaxweynaha wuxuu la xiriiray u kuurgelidda xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada ee ka jira Gobollada Dhexe.

Dhuusamareeb ayuu kula kulmay siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamullada ka jira degmadaas.

Degmooyinka gobolladaas waxaa ka socda ololeyaal ay wadaan murashaxiin doonaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha lagu wado inuu yeesho maamulka dhismihiisa lagu howlan yahay.

Shir dib-u-heshiisiin oo ay isugu yimaadeen beelaha wada dega gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa ka socda Dhuusamareeb.