Shirka sare u qaadidda wada-shaqaynta hey’adaha dawladda ee maareeynta xuduudaha oo Muqdisho ka furmay

93

Shirk u saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqeynta hey’addaha dawladda ee dhanka xuduudaha  ayaa  si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka kala socday hey’addaha iyo wasaaradaha dawladda sida  Booliiska, xeer ilaalinta, wasaaradda amniga iyo xubno kale ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya hey’adda socdaalka gaar ahaan  laamaha ka hawl gala  bar xuduudyada dalka laga soo galo sida  xad dhuleedka, garoomada diyaaradaha iyo dekadaha.

Shirkaan ayuu sheegay agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi in uu yahay shir isku xirid hey’adaha ay u khuseeyso sida booliiska ,xeer ilaalinta  iyo laamaha kale ee dawladda ee ay taaban karto ama xiriir la leh hubinta nabadgalayada baraha dalka laga soo galo.